Nairobi, November 11, 2013: Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhigaya in qaxootiga Soomaaliyeed ee sanado badan ku noolaa Kenya aan qasab lagu celin.
Shirka oo ay ka qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, wasiirka arrimaha debadda Kenya Amina Mohamed, Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph ole Lenku wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kneya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR ayaa lagu saxiixay heshiis dhigaya in qaxootiga ay si iskood ah dib ugu noqon karaan Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha debadda Kenya Amina Mohamed ayaa sheegtay iney jecelyihiin in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya dalkooda dib ugu noqdaan iyadoo aan la qasbeyn.
“Tani waa billowgii safarkii rajada, waxaana jecelnahaya in walaalaheenna Soomaaliyeed ay si buuxda dalkooda ugu laabtaan oo ay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda kaddib sannado badan oo colaado ah,” ayay tiri Aamino Maxamed.
“Kenya waxay doonaysaa nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya. Tanina waa qorshe aan doonayno in gobolka oo dhan uu nabad noqdo. Dhab ahaantii waan ku faraxsannahay heshiiska maanta la saxiixay ee qoxootiga Soomaalida ah ay dalkooda ugu laabanayaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph ole Lenku oo isaguna hadlay ayaa sheegay in qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa xeryaha Dhadhaab ay mar hore iskood ugu laabteen dalkooda Soomaaliya, kuwaasoo dagay deegaanno nabad ah.
“Soomaaliya waxaa hadda ka jira ammaan iyo deggenaasho, waxaana horay ugu laabtay qoxooti badan oo Soomaaliyeed, inta hartayna waxaan filaynaa inay dib ugu laaban doonaan dalkooda,” ayuu yiri Joseph ole Lenku.
Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhowaysay heshiiskan, iyadoo ku tilmaamtay in uu muhiimad u leeyahay qaxootiga Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji ayaa sheegtay in xilli horeba ay 80 kun oo ka mid ahaa qaxootiga Soomaliada ee waddanka Kenya ku noolaa ay dalkooda dib ugu laabteen iyadoo aan la qasbin.
Wixii ka dambeeyay weerarkii dhimashada badnaa ee xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay al-Shabaab, waxaa jiray hadallo ka soo baxayay mas’uuliyiin ka tirsan Kenya oo soo jeedinayay in qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda.
Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta amniga ee Kenya ayaa sheegay in weerarkii Westgate laga soo abaabulay xeryaha Dhadhaab, marinna ay u tahay xubnaha al-Shabaab ee qalqalka ku ah amniga dalkeeda.
Heshiiska ayaa culayska ka dejinaya dadka ku nool xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo ka baqdin qabay in si qasab ah loo celiyo.
Dhadhaab waa xerada ugu wayn adduunka ee marti-gelisa dad qaxooti ah, waxaa ku nool dad kuk dhow 500 oo kun oo qaxooti ah oo Soomaali u badan.
Mareeg.com