Soomaaliya iyo Turkiga oo isfaham cusub ku gaaray magaalada Istanbul

Read Time:46 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ka qayb galay meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Mudane Cabdisaciid ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta.

Labada wasiir ayaa la sheegay in ay isla-meel-dhigeen ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Kulankan aadka isha loogu hayo ayaa wuxuu ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka qaaradda Afrika iyo Turkiga.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %