Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho (Sawirro)

Mareeg.com: Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis ku kala saxiixday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii uu maanta caasimada booqday madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixa heshiiskaa kadib shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirka jaraa’id ayay labada Madaxweyne kaga wada hadlayaan arrimo badan oo xiriirka labada dal quseeya, iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiisyo kala duwan la saxiixday Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan Dowladda Turkiga.

Heshiisyada labada dal kala saxiixdeen ayaa la xiriira gaadiidka badda, Dhalinyarada iyo Sports-ka iyo Warshadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in saddex sano kadib nadaxweynaha dalka Turkigu markale soo booqdo Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiisyada ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya uu xoojinayo xiriirka labada dal, isagoo mar kale u mahad celiyay dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale soo booqdo Soomaaliya saddex sano kadib, isagoo xusay inuu Muqdisho ka dareemay isbadel ballaraan.

Wuxuu sheegay madaxweynaha dalka Turkigu in Turkigu sii xoojinayo xiriirka uu la leeyahay Soomaliya, islamarkaana safaraadda uu ku yeelanyo Muqdisho ay ka mid noqon doonto safaaraha ugu ballaaran caalanka oo dhan.

Mr Erdogan ayaa ka mahad celisay sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyay, isagoo soo hadal qaaday mashaariicda Turkiga uu ka wado Soomaaliya uu sii xoojin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu aad u faraxsan yahay in meelihii uu soo maray oo aad u dhismo iyo wadooyinkii bur bursanaa ee markii u imaanayay iyo hada ay aad u kala duwan yihiin, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu arko wadooyinka oo dhisan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in shirkada Turkish Airlines ay wixii ka dambeeyay hada ay maalin walba duulimaad ku imaaneyso magaalada Muqdisho, halka hortii todobaadkii ay ka imaan jirtay saddex maalin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Dekeda Muqdisho ay dayactir ku sameyn doonaan, isla markaana ay xambaarsan tahay dhaqaale aad u muhiimsan oo shacabka Soomaaliyeed u soo xarooda.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa maamulka shirkad Turki ah oo lagu magacaabo FAVORI, halka dekedda Muqdisho ay maamushu shirkad kale oo Turki ah oo lagu magacaabo Albeyrak.

Wafdiga madaxweynaha Turkiga ayaa isla galabta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mareeg Media