Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah oo ku… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah oo ku…

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Maanta kulan ka qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.

Kulanka dhexmaray Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Safiir Qin ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha Gargaarka Bini’aadanimo.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya, isla markaana taageerada lagu saleyn doono dhinacyo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo MM ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.