Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo heshiis kala saxiixday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Heshiiskaan ayaa ku saabsan dhowrista iyo ilaalinta xeerarka u yaalla Qaramada Midoobay iyo sidoo kale dhowrista qawaaniinta iyo xeerarka dalka Soomaaliya, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.  

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!