Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay aduun dhan 36 milyan oo Euro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay aduun dhan 36 milyan oo Euro

Mareeg.com: Mas’uuliyiinta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wadi uu hoggaaminayay wakiilka wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika.

Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) oo ka tirsan golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga ay ka wadahadleen sidii loo hirgelin lahaa heshiis dhaqaale oo 1979-kii dhexmaray dowladihii Soomaaliya iyo Jarmalka.

Lacag dhan 36 milyan oo Euro ayaa la sheegay inay ka hartay lacag dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ugu deeqday 1979-kii, taasoo hadda la rabo in lagu fuliyo mashaariic horumarineed.

Qalloocow ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Jarmalka ay isla garteen in lacagta lagu maalgaliyo mashaariic ay ka mid yihiin helista biyo nadiif ah, dib-u-dhiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, dugsigii tababarka iyo horumarrada kale ee muhiimka u ah bulshada.

Wuxuu xusay in lacagta ka imaanaysa dowladda Jarmalka sidoo kale lagu fulin doono mashruuc dib loogu habeynayo kannaallada iyo biyo-xireennada gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya sheegtay iney ka shirtay qorshe loo dejinayo sidii wax loogu qabsan lahaa lacagta faraha badan ee laga sugayo dalka Karmalka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.