Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis dhanka amaanka ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis dhanka amaanka ah

Addis Ababab – Mareeg.com: Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay dhiggiisa Ethiopia, Hailemariam Desalegn, waxayna ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal.

 

Waxay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi hor leh oo ay ka sameeyaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga, warbaahinta, duulista hawada iyo ka qeyb qaadashada horumarinta iyo tayaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

 

Labada mas’uul ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta Soomaaliya iyo la-dagaallanka Akshabaab oo ay sheegeen in ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

 

Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la xoojinayo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro deegaannada weli ku jira gacanta kooxda, wuxuuna u mahad celiyey Itooobiya.

 

“Waxaan uga mahadnaqay dawladda Ethiopia oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Hailemariam Desalegn ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay mar kasta Soomaaliya la garab taagan tahay taageero dhan walba ah, isagoo rajo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysan doonto qorsheyaasheeda.

 

Ugu danbayntii waxaa labada dawladood ay kala saxiixdeen Heshiis ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Ethiopia.

 

Heshiiskaas oo ah iskaashiga dhinacyada Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaana wada shaqaynta iyo Iskaashiga dhinacyada Booliska iyo arrimo kale.

 

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!