Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Dalka Cabdi Risaaq Cumar Maxamed ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda FAO, iyagoo ka wada hadlay horumarinta arrimaha la xiriira kheyraadka dalka gaar ahaan xoojinta wax soo saarka badda oo ay ugu horeyso horumarinta kaluumeysiga.
Wafdiga oo uu hogaaminayay Agaasimaha hey’adda FAO ahna la taliyaha hey’adda qeybta kaluumeysiga Stephen J Akester ayaa waxa uu muujiyay sida ay ku doonayaan horumarinta kaluumeysiga dalka iyo isku xirka tababarada la xiriira kaluumeysiga, isagoo balan qaaday in mashaariicyo la xiriira arrimahani ay ka fulin doonaan dalka ayna isku soo noqon doonaan wixii ka danbeeya sanadka cusub.
Wasiirka Kheyraadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga saacido arrimo badan oo ay ugu horeyso kaluumeysiga oo uu tilmaamay in dalkeena hooyo uu hodan ku yahay, waxaana uu balan qaaday in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan horumarinta arrimahani.
Laba todobaad ka hor ayay eheyd markii wasaaradda Kheyraadka dalka ay u qabatayshaqaalaha wasaaradda shir looga hadlayay kobcinta kheyraadka dalka sida beeraha, kaluumeysiga, iyo xoolaha iyadoona qeyb ay ka tahay dadaaladani qorshaha wasaaradda ay ku dooneyso in ay ku horumariso dhaqaalaha dalka taa oo ay soo dhaweeyeen qeybaha kal duwan ee bulshada Soomaalida.
Mareeg.com