Soomaaliya & Baanka Horumarrinta Afrika oo Isgaarsiinta uga shiraya Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya & Baanka Horumarrinta Afrika oo Isgaarsiinta uga shiraya Nairobi

Nairobi – Mareeg.com: Shir looga hadlayo horumarrinta Isgaarsiinta Soomaaliya oo si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Bankiga Horumarinta Afrika iyo wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Nairbi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah waxaa looga tashanayaa warbixin ka kooban 112 boga oo ku aadan sida loo horumarin karo isgaarsiinta Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Aadan, agaasimaha guud ee wasaarada, Axmed Xaaji Cabdi, qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka Soomaaliya, shirkadaha isgaarsiinta ee ka shaqeeysa Soomaaliya, bulshada rayidka ah iyo aqoonyahano Soomaali iyo ajanabi ah ayaa shirkan ka qeybgelaya.

Mas’uuliyiintii shirkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Waare oo ah maareeyaha mashruuca taakuleynta isgaarsiinta ee Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney ku hanweynyihiin in sanadaha soo socda si weyn loo maaleglin doono Isgaarsiinta Soomaaliya.

“Barnaamijkan waxaa uu qayb ka yahay taakuleynta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay isgaarsiintu, barnaamijkan gaar ahaan isgaarsiinta hadii aan wax ka iraahdo waa dadaal aanu ugu jirno in 5 sano ee soo socota labada bangi ee Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika in ay ku maalgaliyaan wadanka Soomaaliya lacag dhan ilaa $7 Miliyan oo dollar oo la doonayo in adeega isgaarsiinta casiriga ah lagu gaarsiiyo dhamaan wadanka gudihiisa taas oo ujeedadeedu tahay in aad looga faa’ideysto aqoonta casriga ah iyo adeega isgaarsiinta cusub sida internetka aadka u dheereeya” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo ah maareeyaha mashruuca taakuleynta isgaarsiinta ee Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay Axmed Xaaji Cabdi oo ah Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna yiri:-

“Waxaan rabaa in aan fursadan uga faa’ideysto in maanta aan isugu nimid shir labo maalmood socon doona oo muhiimadiisu tahay daraasaad uu bangiga African Development Bank ka sameeyay Soomaaliya oo ku saabsan qaabkii loo dar dar galin lahaa loona kobcin lahaa ICT-ga qaybta la yiraahdo oo wadanka oo dhan ah, halkan waxaa jooga shirkadihii ka shaqeynayay isgaarsiinta, dad aqoonyahano ah iyo jaamacadihiiii wadanka, meesha waxaa leysugu yimid mashruucaan oo daraasad dheer ahaa oo uu soo diyaariyay African Development Bank, anaguna waxaanu go’aansanay in loo yeero dadkii ay khuseysay si ay talo ugu yeeshaan wixii ay ku darayaan ama ay ka reebayaan, si mashruucan uu u noqdo mid dhaqan gala, waana markii labaad ay wasaaraddu timaado Nairobi oo aan kaga hadalno mashaariic ummadda wax tar u ah” ayuu kale yiri  Axmed Xaaji Cabdi oo ah Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowlada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan ayaa sheegay in warbixintan ay wanaagsantahay, laakiin ay lagama maarmaan tahay in lagala tashto dhinacyada ay khuseeyso.

“Siday ahaan jirtay marka uu diraasad sameeyo bangi ama Qaramada Midoobey waxaa dhici jirtay in mashaariicda leyska hirgaliyo, iyadoo aan laga wada tashan, laakin anigu waxaan go’aansaday in ay ka fiicantahay in bal marka hore dadka ay khuseyso loogu yeero oo ah mujtamaca Soomaaliyeed. Marka waxa maanta isu yimid halkan shirkadaha isgaarsiinta jaamacadaha iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliya si ay u akhriyaan warbixinta uu soo diyaariyey bangiga horumarinta Afrika oo sal u ah diraasad socday muddo hal sano ah. Marka hadii leysku raaco fikradaha ku qoran in ay dan noogu jirto marka waanu garanayenaa mashruucan la hirgalinayo hadii kalena wixii khaldan laga saaro” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Aadan oo ah Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Baanka Aduunku sheegay inuu $2 Milyan dollan dollar oo tijaabo ah ku bixin doono dhismaha iyo horumarrinta Isgaarsiinta Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!