
Wafdi ka socda Somaliland oo Muqdisho kusoo wajahan
Waxaa goor dhow Garoonka Magaalada Hargeysa kasoo ambabaxay Wafdi ka socda Somaliland ,islamarkaana waxa ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho.
Wafdigaan ayaa wadda Gargaar ay ugu talagaleen in ay kaga qeyb qaataan gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka Gobolada qaar dalka ku dhuftay.
Deeqda ay waddaan Wafdiggaan ayaa waxaa soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.
Xubnaha ka socda Somaliland ayaa sheegeen in ay wadaan lacag ka badan lix boqol oo kun oo dollar (600,000$) oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne.
Wefdiga waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqdisho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.