Soomaalida South Africa Oo Isku Dayaya Iney Dhexgalaan Bulshada Dalkaas

Cape Town: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay iney dhexgalaan bulshooyinka dhaqamada kala duwan leh oo ku nool dalkaas, iyagoo hadda ka qeybgelaya tartan dhaqameed ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Tartan dhaqameedka Soomaalidu ka qeybgelayaan ayaa ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu soo bandhigay dhaqamada dalalka ka qeybgelaya bandhigaas.

Wadamada ka qeyb qaadanaya bandhiggan ayaa goobta ku soo bandhigay cayarao hiddo iyo dhaqan ah, cunooyinka u gaar ka ah, alaabaha ay qaaska u leeyihiin, habka dhar xereshada, cilaan saarka iyo cayaaro kala duwan kuwaa oo wadan walba uu doonayay in kan kale uu kaga guuleysto, islamarkaana uu muujinaya hab dhaqan iyo hidaha u gaar ah.

Soomaalidda ka qeyb qaadaneysay bandhigan ayaa waxaa ay muujiyeen in si weyn ay uga dhax muuqaan karaan bulshooyinka kale oo ay la noolyihiin, waxaana ay soo bandhigeen cayaaro aad loo jecleystay iyo waliba agab kala duwan oo gaar u ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidda.

Waxyaabaha ugu cajiibka badan ee Soomaaldi soo bandhigeen, bulshooyiinkii goobta yimidna aad ugu bogeen ayaa waxaa ka mid ahaa habka cilaan saarka Soomaalida, oo saf loo soo galay, waxaana dumar dalal kala duwan ka socday saf u galeen goob ay gabar Soomaali ah cilaan saar ku sameyneysay, waxaana la arkay rag iyo dumar ajnabi ah oo hanaanka naqshadeynta cilaanka gabadhaha Soomaalidda Sameysanaya.

Sido kale, waxaa uu mashquul ka jirayay goobaha lagu soo bandhigayay agabka hidaha iyo dhaqanka Soomaalidda u gaar ah iyo dharka ay xertaan, waxaana la arkayay haween ajnabi ah oo ku libsan duruucda dumarka Soomaalidda, iyo rag ajnabi ah oo xiran dharka cadcad ee hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Abdiraxmaan Faarax Cismaan oo ka mid ah dadka abaabulay in Soomaalidu ka qeybgalaan bandhiga dhaqameedkaas ayaa sheegay in ujeeda bandhigan uu yahay in la helo is-fahan iyo wada shaqeyn dhax marta bulshada kala dhaqanka, kala diin iyo kala dalka ah ee ku wada nool magaalada Cape Town.

Dalka Koonfur Afrika oo ay ku noolyihiin Soomaali farabadan, ayaa loo geystaa dilal iyo boob lagula kaco hantidooda, waxaana dhowr jeer mas’uuliyiinta Koonfur Afrika iyo madax Soomaali ah oo booqday dalkaas Soomaalida kula taliyeen iney dhexgalaan bulshada dalkaas si aan loo takoorin.

Waaa markii u horeysay oo bandhig ceynkaan ah lagu qabto magaalada Cape Town oo ay ka qeyb galaan Soomaalidda ku nool magaaladaasi, iyadoo si weyna ay u soo dhaweeyeen.

Mareeg.com