Soomaalida ku nool Shiinaha oo ku dedaalaya inaan la gudbin meydka haweeney Soomaali ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaalida ku nool Shiinaha oo ku dedaalaya inaan la gudbin meydka haweeney Soomaali ah

Bakin – Mareeg.com: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka China ayaa dedaal ugu jira sidii u baajin lahaayeen in la gubo meydka gabar Soomaaliyeed oo ku geeriyootay dalkaas, kadib xanuun muddo hayey.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Shiinha, Cali Macow oo u warramayey RM ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed haatan ku talo jiraan in ay dalka Soomaaliya u soo ambabixiyaan marxuumadaas, maadaama dalkaasi meydka la gubo.

Cali Macow waxa uu sheegay in ay ururiyeen lacag ka badan $30 kun oo dollar oo ku baxeysa soo qaadidda meydka haweyneydaas, lacagahaasoo ay iska soo uruuriyeen ganacsatada iyo guud ahaan jaaliyadda dalka Shiinaha ku nool, waxaana sidoo kale gacan ka geystay arrintaasi safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Shiinaha, Cali Macow ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi ineysan ku kadsoomin, isagoo tilmaamay iney ku dhici kara dhibaatada hadda taagan.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Shiinuhu waqti u qabtay dhoofinta meydka haweeneyda Soomaalida ah, haddii kale meydkeeda la gubi doono sida dhaqanka ka ah dalkaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.