
Mareeg.com: Soomaali ganacsato ah oo ku nool magaalada Johannesburg ayaa Aaladda Xiriirka Bulshada ee WhatsApp u adeegsada iney isugu gudbiyaan fariimo la xiriira weerarada ay geystaan kooxaha burcadda badeedda Soomaalida ama weerarada ay geystaan dad jinsi naceybka qaba.
Kaddib weeraradii ajnabi naceybka ku salaysnaa ee ka dhacayay qaybo ka mid ah dalka Koofur Afrika, oo ay magaalada Durban ka mid tahay, dadka Soomaalida ah ee ku nool Johannesburg ayaa waxa ay billaabeen qaab cusub oo ay farriimaha isugu diraan marka ay la kulmaan xaalad adag.
Adeegga xiriirka bulshada ee WhatsApp-ka ayey isugu keeneen dad badan oo halmar wada arki kara farriinta haddii mid ka mid ah uu ku qoro bogga sida farriin kusaabsan weerar lagu soo qaaday.
Soomaalida ayaa Johannesburg ayaa u shegay BBC in haddii weerar meel ka bilowdo ay isugu gudbiyaan WhatsApp, sida dukaamada meelahaas ku dhow ay feejignaan u sameeyaan.
Sidoo kale, Soomaalida Johannesburg ayaa marka fariimaha ay helaan wargeliya booliska dalkaas, iyagoo u sheegaya iney soo gaartay farriin sheegeysa in la weeraray ganacasato Soomaali ah.
Mareeg Media
