Soomaali u dagaalamayey Daacish oo lagu dilay Ciraaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali u dagaalamayey Daacish oo lagu dilay Ciraaq

Mareeg.com: Nin Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaye Dowladda Islaamiga ah ama Daacish ayaa lagu dilay dalka Ciraaq, sidaas waxaa shaacisay kooxda Dowladda Islaamiga ah ee maamusha dhulal ballaaran oo katirsan wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Kooxdaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahan Soomaali ah uga dhintay dagaal culus oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Kirkuuk ee dalka Ciraaq.

Warsaxaafadeed sawirro watay oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Daacish ee gobolka Kirkuuk ayaa lagusoo bandhigay muuqaalka ninkaas Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Abuu Muusa Al-soomaali.

Ma ahan markii ugu horraysay oo dhalinyaro Soomaali ah ay ku dhintaan wadamada Suuriya iyo Ciraaq oo ay ka socdaan dagaallo u daxeeya dowladda Ciraaq iyo Daacish.

Todobaadkii hore Alqaaciada Jazeeradda carabta ayaa shaacisay in nin Soomaali ah oo lagu Magacaabo Abuu Bakar As-Somali, kana barbar dagaalamayay Alqaa’idada dalka Yeman lagu dilay dagaal ka dhacay dalkaas, kaasoo dhexmaray ciidamada dowladda Yemen iyo Al-qaadidada.

Soomaalida ka dagaalanta dalalka Carabta ayaa sii kordhaya, waxaana la sheegaa in dhalinyaradaas badankood ay markii hore ka yimaadeen dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!