Soomaali reer UK ah oo lagu dilay Idlib, Suuriya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali reer UK ah oo lagu dilay Idlib, Suuriya

Mareeg.com: Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Abuu Khaalid Al-soomaali, kana tegay dalka Britasin ayaa lagu dilay dagaal xoogan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday magaalada Idlib ee woqooyiga Suuriya.

Dagaalka Abuu Khaalid ku dhintay ayaa dhacay labo maalmood ka hor, waxaana magaalada kula wareegay Jabhado Islaamio ah oo lagu kala magaacabo Jabhadda Alnusra, Axraar Alshaab iyo Xundul Aqsaa.

Magaalada waxaa horay u maamuli jiray milateriga ka amarqaata dowlsdda Suuriya ee uu hogaamiyo Bashaar Alasad.

Ninkaan Soomaaliga ee ka yimid dalka Ingiriiska ayaa waxaa sawirkiisa baraha bulshada soo dhigay kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalka Suuriya ee la wareegay magaalada Idlib.

Abuu Khaalid Al-somali ayaa la xaqiijiyey inuu ka barbar dagaalamayey Jabhadda Al-Nusrah ee ah garabka Alqaacidda ee dalka Suuriya.

Bogga ku hadla afka Jabhadda Al-Nusrah, ayaa lagu xaqiijiyay geerida Abuu Khaalid Alsoomaali, waxayna ku sifeeyen shakhsi geesi ahaa, isla-markaana u saaxib ahaa akhlaaq wanaagga.

Soomaalida u dagaalka tegay dalalka Suuriya & Ciraaq ayaa intooda badan waxey ka barbar dagaallamaan Khalaafada Islaamiga ah oo an ka tirsaneyn Alqaacidda iyo Jabhadda Alnusra oo ah garab ka mid Ururka Alqaacidda.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!