Soomaali Mareykan ah oo si Qasab ah looga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde iyo Sababta ka dambeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali Mareykan ah oo si Qasab ah looga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde iyo Sababta ka dambeysa

Muwaadin Soomaali ah oo kunoolaa dalka Mareykanka ayaa laga soo dajiyya garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii Dowlada Mareykanka ay ninkan kasoo musaafurisay dalkeeda oo in mudo ah uu kunoolaa.

Axmed Naasir Tahliil Maxamuud oo 41-jir ah ayaa laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde, waxaana ninkan la socday Labo Sarkaal oo ka tirsan Waaxda Socdaalka Maraykanka, waxa ayna ku wareejiyeen marka Muqdisho laga soo dejiyay Hay’adaha amaanka Soomaaliya.

Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan Soomaaliga ah lasoo saaray Diyaarad kusoo jeeday magaalada Nairobi kadibna loo sii gubiyay magaalada Muqdisho oo hada uu ku sugan yahay.

Axmed Naasir Tahliil oo dalka Mareykanka ka ahaa darawal kaxeeya takaasida ayaa sanadii 2008 dii lagu eedeeyay in uu taageere dhaqaale u diray Dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna ninkan hada soo dhameestay lix sano oo xabsi ah oo horey loogu xukumay .

Ninkan Soomaaliga ah ayaa Deganaanshaha rasmiga ah ee dalka Maraykanka qaatay bishii August ee sanadkii 2004-tii, hasa ahaatee Dowlada Mareykanka ayaa kala noqotay sharcigeeda iyadoona si qasab ah ugu soo celisay Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin ninkan Soomaaliga ah ee laga soo musaafuriayy dalka Mareyakanka ee laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, waxaana horey sidan oo kale Muqdisho loo keenay dad kale oo laga soo musaafuriyay Wadamada reer Galbeedka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!