Mareeg Media
Somalia

Soomaali lagu xir xirey dalka Koonfur Afrika

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay bilaabeen howlgallo lagu qab qabanayo dad ay soomaali ku jiraan gaar ahaan kuwa aan Sharciga heysan ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada ka dhanka ah Soomaalida uga sameeyeen Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville Magaalada Cape Town,waxaana la sheegay in howlgalkaas lagu qabtay Dhalinyaro farabadan oo aan heysan Sharciga dalkaasi Koonfur Afrika.

Goobha ay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah goobaha Ganacsiga Soomaalida,sida Dukaamada Dharka,kuwa lagu Iibiyo Alaabaha kala duwan,waxaana dadka la xirey ku jira Milkiilayaasha goobaha Ganacsi.

Dadka la xirey ayaa waxaa ay isugu jiraan Soomaali iyo Itoobiyaan,waxaana Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ay Warbaahinta dalkaas u sheegeen in dadka aan Sharciga heysan la siinayo Warqado u fududeynaya inay helaan Sharci.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa waxaa digniin kama dambeys ah ay siiyeen Milkiilayaasha Hoteelada, iyagoo uga digay in qof aan sharci wadan ay ka kireeyaan Hoteeladooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!