Mareeg Media
Somalia

Soomaali lagu laayay Degmada Ma’ayso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerar lagu laayay in ka badan 10 Ruux oo Soomaali ahaa, kuwaasi oo ka mid ahaa dad ku dhaqan dhulka Dowlad Degaanka Soomali –Itoobiya.

Weerarkan Ciidamo ka soo jeeda Gobolka Anfarta waxey ku dileen 11 Ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo badankood ahaa Xoolo dhaqato.

Mawlid Kalinleh oo ka mid ah Dadka Degaanka ayaa waxuu sheegay in Weerarka uu ka dhacay Madane, Ma’ayso iyo Dan-la-helay.

Waxaa uu sheegay dhibaato xoogan la gaarsiiyay Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Gobolka Anfarta ayaa xuduud la wadaaga Soomaalida iyo kuwa Oromada.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Ciidamadu ay dab qabad siiyeen guryo halkaasi ku yaallay.

Weerarkan ayaa loo sababeeyay murunka dhulleed oo muddo halkaasi ka taagnaa.

Magacyada dadkii lagu laayay weerarkaasi

  1. Cige Faarax
  2. Aadan Cige Faarax
  3. Cali Furre Faarax
  4. Cabdillaahi Ducaale Colle
  5. Axmed Ducaale Colle
  6. Boodhle Xalane Faarax
  7. Xuseen Jaamac Barre
  8. Sabban Geeddi Suge
  9. Cige Rooble Muuse
  10. Aadan Caateeye Dharaar
  11. Xuseen Dirir Cige

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa lagu afduubtay tobanaan kale oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween, kuwaasi oo halka lala aaday aan weli la shaacin.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Itoobiya oo ku aadan musiibadii ka dhacay halkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!