Soomaali Laga Qaaday Koonfurta Sudan Oo La Geeyey Muqdisho & Tiro Cusub Oo Is Diiwaan Geliyey (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 24 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Shalay waxaa garoonka diyaaradah Muqdisho laga soo dajiyay 131 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo laga soo qaaday magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Sudan kadib markii dalkaas uu ka qarxay dagaal sokeeye.

Dadkan oo isugu jiray rag iyo dumar qaarkood carruur wataaan waxaa Muqdisho soo gaarsiiyey diyaaradda Daallo Ariines, iyadoo ay dirtay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, safaardda Soomaaliya ee magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Sudan ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay iska soo diiwaan galinayaan safaaradda si dalkooda hooyo ay ugu soo noqdaan.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya dalka Suudanta Koonfureed, Ilyaas Ibraahim ayaa Sheegay in dad hor leh oo Soomaali ah ay diiwaan galiyeen si dalkooda ay ugu soo laabtaan oo ay kaga soo tagaan dagaalada ka soo cusboonaaday dalkaasi, kuwaasi oo ka kala imaanaya sida uu tilmaamay gobolada wadankaasi.

“Waxaan diiwaan galinay in kabadn 300 oo ruux oo Soomaali ah kuwaa oo doonaya in dalkooda hooyo ay ku soo laabtaan, waxaana ku xulanaa dadka aan diiwaan galineyno sida dhibka uu u gaaray maadaama Soomaali badan ay ku hanti beeleen rabshadahaasi ay isaga horjeedaan Dowladda Suudaanta Koonfureed iyo mucaaradka dalkaasi” ayuu yiri Ilyaas Ibraahim oo la hadlayey RM.

Sidoo kale Xoghayaha labaad Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed Ilyaas Ibraahim ayaa waxa uu ka hadlay qasaaraha dadka Soomaaliyeed ee wadankaasi ku nool ka soo gaaray rabshadaha ka taagan halkaasi, isagoo sheegay magaalada Bor iyo gobolada dalkaasi in lagu boobay in ka badan sedex milyan oo dolar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii xoghayaha labaad ayaa waxa uu sheegay in ay bad qabaan ganacsatada ku dhaqan magaalada Jubba ee Xarunta Suudaanta Koonfureed maadaama uu tilmaamay in magaaladaasi ay ka nabdoon tahay magaalooyinka kale ee dalkaasi.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %