Soomaali laga masaafiriyey Kenya oo laga dejiyey Garoonka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali laga masaafiriyey Kenya oo laga dejiyey Garoonka Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Diyaarad sidday dadkii ugu horeeyey ee laga soo ambabixiyey dalka Kenya, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaalidan laga soo musaafiriyey Kenya oo gaarayey ilaa 82 ruux ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday caro, iyadoo sida muuqatay lasoo qasbay.

Waxaa daka laga soo masaafiriyey Kenya lasoo scoday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”.

Dadka laga keenay Kenya waxaa ku jira dad aan dooran iney dalka dib ugu soo laabtaan oo weliba qaarkood ahaayeen dad xanuunsan oo arrimo caafimaad halkaas u tegay.

Dowladda Kenya ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka xirxirtay ilaa 4 kun oo Soomaali oo qaarkood la daayey, qaar Soomaaliya loo diray, qaar kalana weli xabsiyada ku jiraan.

Kenya ayaa ku adkeysaneysa iney dalkooda dib ugu celineyso Soomaalida aan sharciga laheyn, kadib markii falal amaan darro kusoo bateen xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!