Soomaali ku nool Mareykanka oo iska qabtay nin kala tegi rabay carruur

Mareeg.com: Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in la qabtay nin ay sheegeen in uu dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa dugsi Qur’aanka lagu barto uu ka dhaadhicinayey iney ka dagaalamaan dal ka baxsan Mareykanka.

Ninkaan laga shakiyey ayaa carruurta weydiiyey iney jihaad u aadaan dal ka baxsan Mareykanka, waxaana arrintaas ka xumaatay qaar ka mid ah carruurta, kuwaasoo wargeliyey macallinkooda.

Markii laga war helay ayuu ninkaas goobta ka cararay, waxaana dadka Soomaalida ah wargeliyeen booliska, kuwaasoo markii dambe ninkaas soo qabtay.

Sheekh Cabdirisaaq Keynaan oo ah macalinka caruurta la tashkiilinayay ayaa u sheegey VOA in ninkani oo aanan aaga laga aqoonin la arkay isaga oo su’aalo weeydiinaya caruurta, kuna qancinaya in ay dagaal jihaad ah aadaan, kadibna ay ka hortageen.

Sheekh Keynaan ayaa xusay in ardayda uu wax baro uu horay ugu barbaariyey iney ka fogaadaan dadka weydiiya su’aalaha la xiriira dagaallada loo aado debadda Mareykanka.

Jibril Afyare oo ka mida aqoonyahanada reer Minneapolis ayaa sheegay in “Mareykanku dalkoodii yahay” isla markaana ay amaanka dalkuna ay dantooda ku jirto.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jibriil Afyare in aanan loo dulqaadan doonin dadka caruuraha duufsada.

Ilaa hadda lama oga cidda uu shaqeynayey ninkaas carrurta su’aalaha weydiiyey, iyadoo xitaa ay suuragal tahay inuu ahaa qof u shaqeeya dowladda Mareykanka oo ku daba jira ardayda dhigata dugsiyada Soomaalida.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuna koray Mareykanka ayaa dagaal u aaday dalalka Soomaaliya iyo Syria, si ay uga barbar dagaallamaan Alshabaab iyo Daacish.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245