Soomaali ka carartay Yemen oo kasoo degay Bosaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali ka carartay Yemen oo kasoo degay Bosaso

Mareeg.com: Dadkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee dib uga soo qaxay dalka Yemen oo ay colaado ka aloosan yihiin, waxey maanta soo gaareen  magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari.

Doon rakaab ah oo siday dad gaaraya 62 qof oo isugu jiray haween, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, isla markaana qaarkood lagu waday bareele ayaa kusoo xiratay dekedda Boosaaso.

Waxaa goobta ku sugnaa maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, saraakiil, ciidamo iyo qaar ka mid ah hay’adaha ka hawl gala Puntland.

Qaar ka mid ah dadka la socday doonta oo xanuunsanayayey ayaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada, si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la geeyey goob uu ugu talagalay maamulka Puntland.

Doonta ayaa ksoo shiraacatay magaalada Mukalah ee dalka Yemen, halkaasoo dadka ay soo qaadday ay muddo ku noolaayeen.

Duqa degmada Bosaso, Xasan Cabdalla Xasan oo gudaha dekadda kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay ka maamul ahaan in dadkaasi xaaladooda la socon doonaan inta ay ku sugan yihiin Puntland.

Gudoomiyaha gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay gaarsiin doonaan goobaha ay rabaan.

Dadkan kasoo degay doonta ayaa la sheegay iney markii kasoo kala jeedeen gobollo kala duwan oo ka tirsasn dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!