Soomaali kale oo kasoo cararay Yemen oo kasoo degay dekedda Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali kale oo kasoo cararay Yemen oo kasoo degay dekedda Boosaaso

Mareeg.com: Dooni sidday boqolaal Soomaali ah oo kasoo cararay dalka Yemen ayaa maanta kusoo xiratay dekedda Boosaaso, iyadoo kasoo baxday dekedda Mukalla ee dalka Yemen.

Qaxootigan ayaa isugu jiray rag, dumar, carruur, dhalinyaro qaarkood yihiin arday Yemen Jaamacado ka dhiganayey iyo dad da’ah.

Dadka doonta la socday ayaa la sheegay iney gaarayeen ilaa 832 qof, waxaana lagala hortagay markii ay ka soo degeen doonida biyo cunto iyo dawo.

Doonta ayaa dekedda Mukalla ee dalka Yemen kasoo baxday shalay subax oo Isniin aheyd, waxeyna badda kusoo shalay iyo ilaa xalay.

Dadkii la socday doonta qaarkood ayaa loo gudbiyey xarrumo maamulka Puntland ugu talagalay, halka qaarkood loo gudbiyey xarumaha caafimaadka Boosaaso.

Waiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Qoob Deero oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootiga soo gaaray magaalada ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen isla markana la geyn doono goobo loogu tala galay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dekedda Boosaaso soo gaarayey doonyo sida dad Soomaali ah oo kasoo cararay coladda Yemen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!