Mareeg.com: Koox Soomaali ah oo ka tirsan Khalaafada Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa baaq usoo diray Xarakada Alshabaab, iyagoo ka codsaday iney ku biiraan Khalaafada ama Daacish.
Muuqaal oo lagu baahiyay barraha Internet-ka, ayaa waxaa ka soo muuqday rag Soomaali ah oo ku hadlaya luqada Soomaaliga, oo Shabaabka ugu baaqaya inay ka mid noqdaan Dowladda Khilaafada Islaamiga ah.
Nin magaciisa ku sheegay Abuu Hamza Al-Soomaali oo muuqaalkan ka hadlaya ayaa sheegay iney dunida ka jirto Khilaafo Islaami ah, taa oo u taagan inay xuduudaha xilligaan jira cagta mariso, gaaladana ka qaado Jizyo, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa isna muuqaalka ka soo muuqday nin kale oo Soomaali oo araga la’, iskuna magacaabay Taymuulah Al-Soomaali, kaasoo Shabaabka ku adkeeyay inay Daacish ku soo biiraan.
Ninkaan ayaa AlShabaab uu ku booriyay inay qaataan mid lamid ah go’aankii Ururka Boko Haram ee ku biiray Khalaafada Islaamiga ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.