Soomaali Jarmal la sheegayo inuu ahaa ruuxii fuliyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Jazeera

Read Time:1 Minute, 5 Second

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Hotelka Jazeera uu fuliyay ruux Soomaali Jarmal ah oo degenaa magaalada Bonn.

Ilo wareedyo ku dhow dhow laamaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijinaya in ruuxa weerarka fuliyay uu yahay Soomaali Jarmal, balse lama haayo magaciisa oo buuxa, inkastoo wali baaritaano socdaan.

Kooxo Ajnabi qubaro ah oo ku xeel dheer baaritaanka DNA-ga ayaa ka qaaday goobta qaraxa ka dhacay qeybo ka mid ah haraadiga ruuxa weerarka ismiidaaminta fuliyay, si ay u baaraan.

Inkastoo Hey’addaha ammaanka dowladda ka hadlin qofka uu ahaa ruuxii fuliyay weerarka, hadana waxaa muuqata in wali ay socdaan baaritaano.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Jazeera ayaa ahaa mid aad u xooganaa oo magaalada oo idil gil gilay, waxaana bur bur soo gaaray qeyb ka mid ah dhismaha Hotelka.

In ka badan 15 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas oo uu ku jiro diblomaasi Shiinees ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay sodon kale.

Al-Shabaab oo mas’uuliyada weerarka Hotelka sheegatay ayaa xustay in xilliga weerarka uu dhacayay uu Hotelka ka socday shir lagu dar dar gelinayo duulaanka ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda, sida uu sheegay Afhayeenka Shabaab.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa weerar ismiidaamin lagu qaaday Hotelka SYL la sheegay in ruuxii fuliyay inuu ahaa Soomaali ku noolaa dalka Switzerland.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %