Soomaali farabadan oo weli ku jiran xabsiyada dalka Kenya

Read Time:55 Second

Nairobi – Mareeg.com: Soomaali farabadan ayaa weli ku xiran xabsiyadda dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood wataan sharciyada qaxootiga ee Kenya iyo Qaramada Midoobay.

Khadiija Dool Cabdullaahi oo ah haweeney is-xilqaantay oo la socota xaaladda maxaabiista xabsiyada ku jira ayaa sheegtay in dadka xiran oo qaarkood heysta sharciyada qaxootiga ee Kenya iyo Qaramada Midoobay ay ku jiraan haween carruur sita, waayeel iyo dad kale oo xanuunsanaya.

Waxay sheegtay Khadiija in dadka qaarkood ay xiran yihiin muddo bil ka badan, isla markaana ay u xayiran yihiin warqadaha dalka looga baxo, kuwaas oo ay sheegtay inay u weydiisay safaaradda Soomaaliya, balse aan loo oggolaan.

Dad gaaraya 83-qof oo Soomaali ah ayay sheegtay inay ku xiran yihiin xabsiga garoonka Jomo Kenyatta, 45 qof ay ku jiraan saldhigga Gigiri, halka 35-qof oo kale ay ku jiraan saldhigga Kasaraani.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo aan arrinta wax laga weydiiyey ayaa beeniyay jiritaanka in safaaradda ay diidday inay warqadaha dalka looga boxo siiso dadka xiran.

Safiirka ayaa tirada maxaabiista ku jirta xabsiyada ku sheegay mid aad uga yar tirada ay Khadiijo Dool sheegtay.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.