Soomaali farabadan oo geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Sudan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali farabadan oo geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Sudan

Mareeg.com: 13 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay dhuleedka magaalada Khartoum ee Caasimada dalka Sudan.

Dadkan ayaa sida la sheegay ku tahriibayey baabuur la sheegay in uu ku socday xawaare aad u dheereeya.

Waxa la sheegay in ay soo mareen Itoobiya oo ay doonayeen in ay u sii talaabaan dalka Libya, si ay uga sii gudbaan Taliyaaniga.

Safaarada Soomaliya ee Sudan ayaa sheegtay in weli la isku dayaysa in la aqoonsado maydadka ka hor inta aanan la aasin.

Sudan ayaa bilooyinkii la soo dhaafay waxa ay aad u adkeysay dal ku galkeeda waxa ay mamnuucday dadka sida sharci-darada ah ugu tahriibaya dalkeeda ama doonaya in ay sii maraan dalkeeda

Fiidow Mohamed Fiidow, oo safaarada ugu qaabilsanyahay dhinaca warbaahinta, xaqiijiyey geerida Soomaalidan tahriibka aheyd.

Dalka Sudan ayaa ah dalka loo maro Libiya marka dadka Soomaalida ah u tagriibayaan qaaradda Yurub.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.