Soomaali Doon Ka Raacay Yemen Oo Lagu Xiray Sudan

Read Time:53 Second

Khartuum, Mareeg.com: Ilaa 24 Soomaali ah oo doon ka raacay dalka Yemen ayaa lagu xriay dalka Sudan, kadib markii lagu eedeyey iney si sharci darro ah ku galeen dalkaas.

Soomaalida la xiray ayaa la sheegay in 9 ka mid ah dumar yihiin, waxaana la geeyey xabsi ku yaalla magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan.

Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatuhu) oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Sudan ayaa sheegay in dadkan la xiray xilli doon sidday oo ka timid dalka Yemen ay ku xiratay dekedda Port-Sudan ee dalka Sudan.

Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalidu ee dalka Sudan ayaa wada dadaallo lagu soo deynayo dadka xiran, sida uu sheegay Cabdiweli Xasan Xuseen.

Soomaalida u tahriibaysa Yurub ayaa inta badan Sudan ka soo gali jiray xudduudda Itoobiya iyo Koonfur Sudan, waxaana Soomaalidan la hayo lagu sheegay Soomaalidii ugu horreysay oo tahriib ah oo dhanka badda kazoo gala Sudan, kana soo dega dekedda Port- Sudan.

Dekedda Port- Sudan waxay ku taallaa badda Cas dhanka waqooyi Bari ee dalka Sudan, 675 KM ayayna u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %