Soomaali badan oo lagu Gowracay deegaan kuyaala Dalka Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaali badan oo lagu Gowracay deegaan kuyaala Dalka Itoobiya

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wali sii xoogeesanayaan xiisada u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee degan dalka Itoobiya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay labada dhinac iska dileen dad badan.

Sida aan Wararka ku heleyno deegaan lagu magacaabo Guuleed oo kuyaala xadka ismaamulada Soomaalida iyo Oromada ayaa lagu gowracay shan ruux oo Soomaali ah, waxaana gowracaasi ka dambeeyay dabley hubeesan oo Oromo ah.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo kamid ah waxgaradka Soomaalida Itoobiya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay shanta ruux ee lagu gowracay Deegaanka Guuleed, waxa uuna xusay Nabadoonka in wali xiisad dagaal uu jiro.

Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal iyo is ugaarsi, waxaana xiisada labada dhinac u dhaxeysa uu kusii faafayaan deegaano hor leh oo kuyaala dalka Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa ku guul dareesatay in xal ka gaarto xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada, waxa ayna xiisadan noqotay mid kusoo noq noqotay deegaanada ay wada degaan labada Qowmiyadood.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!