Somaliland oo xirtay Wariye Boorama ku duubay Muuqaal aanan farxad galin (Daawo Muuqaalka xariga Sababay) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo xirtay Wariye Boorama ku duubay Muuqaal aanan farxad galin (Daawo Muuqaalka xariga Sababay)

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa ku xiray saldhiga booliiska magaalada Boorame Wariye lagu magacabao ‎Maxamed Cumar Jaray‬ , oo dhawaan baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu kasoo duubay shacabka ku dhaqan magaalada Boorame.

Wariyaha la xiray ayaa shacabka Boorame la dhax maray makarafoonka ,isgaoona dadka weediinayay Su’aal kadis ah oo ku aadaneed in ay garanayaan astaan Calanka Somaliland iyo astaanka Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Dhamaan dadkii uu wareestay Wariyaha ayaa cadeeyay in aysan garaneyn astaanta qaranka Somaliland taa badalkeedana ay garanayaan mida qaranka Soomaaliya ee ah” Soomaaliyeey Toosoo” dadkii uu su’aalaha weediiyay Wariye Jaray ayaa badankood ku luqeenayay astaanka Calanka Soomaaliya.

Wararka aan Boorama ka heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada booliiska ay xireen qaar kamid ah dadkii Kaamirada kasoo muuqday ee qaaday astaanta Calanka Soomaaliya, waxaana xariga Wariyaha iyo dadkanba amray madaxda sare ee Maamulka Somaliland.
Halkan ka Daawo Muuqaalka ka Careesiiyay Madaxda Somaliland ee Wariyaha loo xiray

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!