Somaliland oo u diyaar garoobeysa qaxootiga Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo u diyaar garoobeysa qaxootiga Yemen

Mareeg.com: Somaliland ayaa bilowday diyaarinta goobo lagu soo dhaweeyo qaxootiga ka cararaya dalka Yemen, ee kasoo degaya dekedda Berbera.

Wasiirka Dib u dejinta Somaliland, Cali Siciid Raygal, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo Hay’adda Qaxoontiga Aduunka UNHCR ayaa Berbera u tagay diyaarinta goobo la dejiyo qaxoonti la fiilayo inay ka yimaadaan dalka Yemen oo qaarkood jidka ku soo jiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkii ka soo qaxayay dagaalka Yemen uu halkaasi dagaalku ku qabsaday kadibna ay waayeen meel ay ka baxaan maadaama ay jiraan Xayiraado dhanka Cirka, Badda iyo Bariga ah, hase ahaatee haataan laga yaabo in dadka ku helaan jidad ay kusoo baxsadaan.

“Waxaanu diyaarinaynaa meelo Berbera ku yaala oo lagu hubiyo laguna baadho qaxoontiga ka imanaya Yemen, meelahaas oo ay ku sugnaan doonaan ilaa 3 maalmood kadibna loo qaadi doono magaalooyinka kale ee qabow maadaama Berbera tahay magaalo Xeebeed kulul” ayuu yiri Wasiir Cali Siciid Raygal oo BBC-da uga waramay arrintan.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xogo ku hayaan in qaxoonti badan jidka ku soo jiro sidoo kalena la filayo in qaar badani qorshaynayaan sidii ay Somaliland u iman lahaayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland iyo hay’addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo arrimaha bani-aadanimo ay iska kaashanayaan qaabilida qaxoontiga ka soo yaacay wadanka dariska Somaliland kala ah badda ee Yemen.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay hore Somaliland u soo gaadhin Qaxoonti Yemen ah oo soo gaadhay oo meel la dejiyay balse ay jireen tiro yar oo Maalin hore soo gaadhay. Waxa uu sheegay in dadka la filayo inay yimaadaan ay noqdaan kuwa jinsiyado kala duwan ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!