Somaliland oo soo dhaweysay hogaamiyaha cusub ee Itoobiya [AKHRISO] * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo soo dhaweysay hogaamiyaha cusub ee Itoobiya [AKHRISO]

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cbdiraxman Saylici ayaa soo dhaweeyay Abiy Ahmed, kadib markii Isbahaysiga haya talada Ethiopia ay u doorteen hogaamiyaha cusub Ethiopia.

Mr. Saylici ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu hambalyo u dirayo guddoomiyaha cusub ee Dowladda Itoobiya, Abiy Ahmed.

“Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan doonayaa in aan fariin hambalyo ah u diro Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga taladaya haya ee Dalka Itoobiya (EPRDF Party) Dr. Abiy Ahmed.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo Somaliland ay soo dhaweysay hogaamiyahaasi cusub.

Hadaba waa kuma Abiy Ahmed?

Abiy oo loo arkayey inuu ahaa ka ugu cadcad ragga tartanka ugu jiray buuxinta jagada uu banneeyey ra’isal wasaarihii is casilay, waa hogaamiyaha xisbiga Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF).

Dadka lafa gura siyaasaddu, waxay ku sheegaan inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh.

Wuxu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromia oo waxa dhalay qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii.

Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Ethiopian ah oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda.

Wuxu ahaa ninkii aasaasay isla markaana agaasimaha ka noqday wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.

Dad badan baa waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta dad isku wadka leh.

Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero wayn ka haysto dhalinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale.

Dadka dhaliilaa se waxay leeyihiin maadaama oo uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, awood u yeelan maayo in uu isbedellada badan ee dadka mudaharaadayaa doonayaan meel mariyo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!