Somaliland oo sheegtay in Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec lagu aasayo Berbera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo sheegtay in Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec lagu aasayo Berbera

Hargeysa – Mareeg.com: Maamulka Somaliland ayaa doonaya iney aas qaran u sameeyaan fanaankii caanka ah ee Soomaaliyeed ee dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec.

Madaxweynaha Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magacaabay Guddi qabanqaabiya aas qaran maamulkaasi sheegay iney u sameynayaaan Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec.

Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici, ayaa magacaabay guddi iskugu jirta wasiiro, maayiro, madax dhaqameed, abwaanno iyo wariyeyaal oo ka kooban 12 xubnood, kuwaas oo qabanqaabin doono aaska qaran ee loo samaynayo Fanaan Maxamed Saleeban Tubeec.

War kasoo baxay xafiiska Zeylici ayaaa u qornaa sidan:

U Jeedo Magacaabis Guddi Aas Qaran

Mudanayaal

Sida Aan La Socono Waxa Dalka Jarmalka Ku Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleebaan Tubeec (AHN) Waxa Ay Dawladu U Samayn Doontaa Aas Qaran.

Haddaba Waxa La Idiin Magacaabay Guddida Qaban- Qaabada Aaska Marxuunka Waxaanad Isku Duba Ridi Doontaan Habsami U Socdka Hawsha Aaska.

Marxuumka Waxa Lagu Aasi Doonaa Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Oo Uu Ku Dhashay, Ku Barbaaray Kuna Dardaarmay.

Guddida Uu Madaxweyne Ku Xiggeenka U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Suleebaan Tubeec Ayaa Kala Ah

1-   Wasiirka Wasaarada Dhanliyarada Iyo Ciyaaraha

2-   Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta

3-   Wasiiru Dawlaha Madaxtoonyada

4-   Wasiir Ku Xiggeenka Amniga

5-   Badhasaabka Gobolka Saaxil

6-   Maayirka Magaalada Berbera

7-   Maareeyaha Dekeda Berbera

8-   La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada

9-   Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

10- Abwaa Xasan Xaaji C/llaahi (Xasan Ganey)

11- Boqor Axmed Ugaas Iimaan

12- Maxamed Xasan Cali (Waji)

Maamulka Somaliland ma shaacin goorta la aasayo Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, kaasoo 11-ka bsiaahn Maarso 2014 ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla dalka Jarmalka.

Inkastoo maamulka Somaliland sheegay in Marxuum Tuceec lagu aasayo Berbera, waxaa horay 12-kii bishaan Maarso dowladda Soomaaliya sheegtay in marxuumka lagu aasayo Muqdisho, loona sameynayo aas qaran.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya dusha u ridatay qarashka meydka Tubeec looga soo qaadayo dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in arrintaas ay ku wargeliyeen qoyskiisa.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble oo 12-kii Maarso kulan la qaatay fanaaniinta hobolalda Waaberi ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec loogu aasi lahaa Muqdisho.

Mostaf Dhuxulow ayaa sheegay in xukuumaddu la la xiriirtay qoyska Marxuumka, islamarkaana ay ogolaadeen in Muqdisho lagu aaso, dibna xukuumaduu kazoo sheegi doonaan goorta la aasayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa midba gooni u sheegay inuu aasayo Marxuum Tubeec, waxeysa u badantahay in lagu aaso halka qoyskiisu doonayaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!