Somaliland oo sameysatay baasaboor cusub (Sawirro)

Mareeg.com: Somaliland oo sheegata iney tahay dal madaxbanaan, islamarkaana aan aqoonsi ka heysan hal dal ayaa sheegeysa iney sameysatay baasaboor cusub, kaasoo ah nuuca loo yaqaano E-Passaport oo la mid ah kan ay leedahaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay furay qaadashada baasboorka Somaliland ee cusub ee loo yaqaano E-passport-ka.

Siilaanyo oo xafiska bixinaya basboorka xadhiga ka jaray ayaa noqoday qofkii u horeeyay ee Basboorka Electroniga ah qaata. Laakiin waxaa su’aashu tahay, ma noqon doonaa baasaboorkaas mid lagu safro?

Waxaa la xusuustaa in Somaliland horay u sameysaty baasaboor aan Eelectronic aheyn, hase ahaatee dadka deegaanadaas ayaa awoodi waayey iney meelna ugu safraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xukumaddiisa ay ka go’an tahay ka dhaadhicinta wadamada Caalamka sidii ay u aqbali lahaayeen Basboorka Somaliland.

“Talaabadan la qaaday waa mid horumar u ah Somaliland, Insha Allah waxaan rajaynayaa in lagu guulaysto oo dadkeena iyo dalkeenana anfacda, waxaanan leeyahay hambalyo cidkasta oo ka hawl gashay arintaasi” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245