Somaliland oo rabta iney la heshiiso Suldaan gedood sameeyey oo hubka qaatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo rabta iney la heshiiso Suldaan gedood sameeyey oo hubka qaatay

Mareeg.com: Warar aan la xaqiijin oo ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta deegaanada Somaliland ayaa sheegaya iney suuragltahay in maamulka Somaliland la heshiiyo Suldaan Abukar Cilmi Wabar, kaasoo dhowr bilood ka gedoodsanaan maamulkaas, islamarkaana maleeshiyo ku heysta soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Illaa hada Xukuumadda iyo Jabhadda Sukdaan Wabar toona kama hadal qorshahan hase yeeshee wararka ka soo baxaya gobolka Awdal waxa ay sheegayaan inay labada dhinac gaarreen heshiis horudhac ah, kaasoo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxeya labada dhinac.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in laga yaabo in Suldaanka ka gedooday maamulka Siilaanyo uu dib uga soo laabto dhulka buuraleyda ah ee dhaca xadka gobolka Awdal iyo Itoobiya.

Suldaan Wabar ayaa toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ku dhawaaqay magac cusub oo ay kooxdiisu la baxday oo ah “Jabhadda Xoreynta Awdal” iyo astaamo muujinaya in kooxdiisu ku hawl-gali doonto.

Suldaan Wabar, ayaa baaq uu todobaadkii hore u diray bulshada iyo qurbejoogta la mawqifka ah waxa uu ku sheegay in guulaha uu gaaray ay ka mid tahay inuu durba saamigii bulshada Awdal soo dhiciyey.

Wuxuu tilmaamay in tabashadii Awdal ay wax ka tareen isku shaandhaynihii Madaxweyne Siilaanyo Xukumadda ku sameeyay oo mansabyo loogu dhiibay masuuliyiin Awdal ka soo jeeda.

Suldaankan hubka qaatay ayaa sheegay inuu ka carooday in maamulka Somaliland ee Axmed Siilaanyo hogaamiyo uu xuquuqda ay lahaayeen duudsiiyey dadka ku nool gobolka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa horay amar ugu bixiyey in awood ciidan lagu soo qabto Suldaan Wabar, hase ahaatee taasi weli uma suurtagelin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!