Somaliland oo qabatay in ka badan 50 doon oo ku kaluumeysanayey sharci darro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo qabatay in ka badan 50 doon oo ku kaluumeysanayey sharci darro

Mareeg.com: Ciidamada maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigaay in ka badan 50 doonyood oo ay wateen kaluumeysato ajnabi ah, sida uu sheegay taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidankiisu hawlgal ay qaadeen ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib ah oo si sharci darro ah kaga kalluumeysanaayay xeebaha maamulkakaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in 51 doon oo laga leeyahay dalka Yaman iyo markab laga leeyahay dalka Masar ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa min Maydh ilaa Lughaya, ee ka tirsan Somaliland.

Taliyuhu ayaa BBC u sheegay in doonyahaasi iyo markabkaasi oo ay saarnaayeen 257 qof oo baxaari ahi ay si sharci darro ah uga guranayeen badda somaliland kalluunka iyo kheyraadka kale hatana ay ku xidhanyihiin magaalada Berbera.

Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga. Dadkan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la horgeyn doonaa sharciga sida uu sheegay Admiral Axmed Aw Cismaan.

Kalluumeysatada maxalliga ah ee deegaanada Somaliland ayaa beryahan danbe waxay ka cabanayeen maraakiib iyo doonyo jirriif ah oo shisheeye oo xaalufinaya kalluunka badda oo si sharci darro ah u guranaya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!