Somaliland oo maanta si weyn looga xusay 25 sano oo aqoonsi La'aan ah (Daawo) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo maanta si weyn looga xusay 25 sano oo aqoonsi La’aan ah (Daawo)

Waxaa maanta magaalooyinka waa weyn ee deegaanada Maamulka Somaliland si weyn looga dabaaldagay munaasabada 18-ka may, oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Magaalada Hargeysa ayaa munaasabad balaaran oo ka dhacday waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno kale oo katirsan maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale munaasabada kasoo qeyb galay shacabka Hargeysa.

naago_qaqooyi
Ciidamada maamulka Somaliland ,ayaa sameeyay dhoolo tusyo kala duwan, waxa ayna Ciidamada iyo kooxo kale ay socod ku mareen fagaare ay kasocotay Munaasabada xuska 18-ka May ay ka qeyb galayeen Madaxweynaha iyo xubno kale.

Magalaooynka kale ee Somaliland sida Burco, Boorame iyo Berbera ayaa si weyn maanta looga xusay munaasabada 18-ka May , waxaana dadka ku dhaqan magaalooyinka Somaliland ay maanta xirteen astaanta maamulkaasi.
siilaanyoiidoor

iidoor_hablo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!