Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo looga cabsi qabo in ay u dunto Faragelinta dowlada federalka !

Gudoomiyaha xisbiga wadani cabdirahmaan cirro ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay in ay beri iskugu soo baxaan fagaarayaasha magaalada hargeeysa.

Cabsi xoogan ayaaa laga qabaa saaacadaha soo socda magaalada hargeeysa oo ay ka taagan tahay xaalad tii ugu adkeed.

 

Xukuumada talada heysa ee kulmiye weli kama hadlin arintan ay ku dhawaaqqeen xisbiga wadani oo iskugu yeeray taageerayaashiisa.

Cabdirahmaan cirro ayaa yiri “ Waxa aan u sheegayaa taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex in ay maalinta berri ah siddeedda subaxnimo (8:00AM) isugu yimaaddaan Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI si madaxda xisbigu uga warranto xaaladda dalku galay iyo waxa inala gudboon.

 

Somaaliland ayaa waayadaan dambe la kulmeeysay xasilooni daro siyaasadeed oo gudaha ah iyo culeesyo ka heesta Puntland iyo siyaasada doorashooyinka.

 

madaxweyne muuse biixi abdi ayaa yiri “ Dowlada federalka waxeey dulaan ku tahay sanduuqa hormarinta somaliland , deeqaha hey’adaha caalamiga nasiiyaan iyo in ay dhuubta naga qabto sidoo kale waxuu sheegay in xisbiga wadani ay yihiin taageerayaal ku qanacsan farmaajo iyo taliska xamar”

 

somaliland ma waxeey eedsan doontaa xukuumada federalka.

Fariinta Gudoomiyaha ee balanka bari hadii Allah idmo.

Posted by Khadar Hussein Abdi on Sunday, 17 November 2019

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!