Somaliland oo la degtay hub saarnaa markab ay ku qabatay dekedda Berbera

Read Time:1 Minute, 35 Second

Berbera: Maamulka Somaliland, ayaa go’aamiyey inuu dejiyo Hubka saaran Markabka magaciisu yahay MV Shakir ee 24-kii bishii hore lagu qabtay Berbera.

Xogaha laga helayo markabkaasi ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay goor dambe la dejiyay hubkaasi kadib markii baadhis muddo qaadatay la waayay cid si rasmi ah u sheegatay lahaanshaha iyo sharciyada markabkaasi.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Wrancade wuxuu BBC u sheegay maanta in hubkaasi oo ah mid culus oo ka kooban todoba tikniko ah ay go’aamiyeen in laga dejiyo markabka oo la hayo hubkaasi ilaa inta laga gun-gaadhayo cidda iska leh hubkaasi iyo meesha uu u socday.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in Dawladda Suudaan kala soo xidhiidhay arrinta Markabkan balse wax faahfaahin ah kamuu bixin xidhiidhkaasi iyo waxay kuwada hadleen. Waxa uu sheegay in Maxakamadda Gobolka Saaxil Markabkan ku riday Ganaax Lacageed maadaama isagoo Markab Ganacsi ah laga helay Hub qarsoodi ah.

Hubkan waxa uu ka kooban yahay hal madfac oo weyn oo dhuuuntiisu tahay 122mm , hal kaare, laba gawaadhida gaashaaman oo laga rido gantaalaha rokitka ah , laba baabuur oo ah nooca aan rasaastu karin, iyo hal doon oo kuwa dheereeya ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Warancadde,ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Berbera,waxaanu goob joog ka ahaa rogista Hubka saaran Markabkan.

“Somaliland waxay go’aan ku gaadhay in hubka saaran markabkan laga dajiyo, kaddib baadhitaanno socday toban maalmood,” ayay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah ilo-wareedyo madaxbannaan oo ku sugan Berbera, inkastoo ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahinno intaas ka badan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa dhawaan sheegay inaan Markabkan iyo Hubkiisaba la sii dayn doonin balse la marin doono Shuruucda Baddaha, isagoo u badinayay in lala wareegi doono.

Sawirka Doonta dagaal ee Markabka laga dejiyay

Maamulka Puntland ayaa hore ugu qayliyay in hubkaasi Somaliland la wareegayso islamarkaana amaankooda khatar ku yahay, haseyeeshee Somaliland ayaa sheegtay in hubkan loo bandhigayo cida ay khusayso ee Caalamiga ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.