Hargeysa, Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay iney ku haminayaan iney aad u xoojiyaan ciidamada wadooyinka Somaliland, iyadoo deegaanadaas ay aad ugu badan yihiin gaadiidka iyo shilalka ay galaan.
Cali Waran-cadde ayaa sheegay in dhawaan keensan doonaan diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ah (Helicopter) ee ciidamada wadooyinka ee qeybta ka ah booliska ka taageera howlahooda.
Wasiirka ayaa arrintaan ka sheegay munaasabad shalay magaalada Hargeysa ciidamada ilaalada wadooyinka lagula wareejinayey ilaa 7 baabuur oo kale oo ka mid ah gaadiidka loogu tallo galay in lagu fuliyo gurmadka deg-dega ah, kuwaasoo ay ku hawl geli doonaan ciidanka Nabad-gelyadda waddooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo isna Goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada uu ciidanka ugu iibiyey gawaadhida ay tahay xoojinta Tayada Ciidanka Ammaanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo 7 gaari oo nooca gurmadka deg-dega ah ku wareejiyey ciidanka Nabad-Galyada, wuxuuna yiri “Waxaanu bilawnay hawlgalo aanu bariga iyo galbeedkaba ugu kala diranay ciidanka nabad-galyada Waddooyinka, kaas oo lagu qaadaayo gawaarida Xawaaraha dheer ku soconaaya”.
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal oo wareejinta gaadiidkaasi ka hadlay ayaa wasiirka uga mahad naqay gaadiidka oo ah qaybtiii labaad ee booliska loo iibiyo.
“Gaadiidkan waxaa loogu tala-galay ciidanka Nabad-galyada waddooyinka oo bilaabay Hawl-galo lagu xakamaynaayo ammaanka, waana qaybtii labaad ee wasiirku nagu wareejiyo” ayuu yiri Taliye Fadal oo goobta Ka hadlay.
Somaliland ayaa waxaa ku badan shilalka gaadiidka, waxaana dhawaanahan Somaliland laga digayey iney ka dhacaa arrimo lidi ku ah amaanka, taasoo maamulkaas ku kaliftay iney xoojiyaan ciidmada waddooyinka.
Mareeg.com