Somaliland oo ka carootay barnaamij faneed loo duubay SNTV & Universal

Read Time:1 Minute, 19 Second

Mareeg.com: Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday barnaamij faneed Kooxda Xidiga Geeska ee magaalada Hargeysa usoo duubeen TV-ga Qaranka Soomaaliya iyo TV-ga madaxa banaan ee UNIVERSAL.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ku andacooday inuu bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo gaf weyn oo sida uu yiri Fannaaniinta Xidigaha Geesku ka galeen Somaliland. Waxa uu sheegay inay galeen khalad aan caadi ahayn.

“Waxaan shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba uga tacsiyadaynayaa, khaladka wayn ee ay galeen koox ay magacooda barteen oo la baxday Xidigaha. Dhalin yaradaasi oo khalad aan caadi ahayn gashay, Naftooda ka gashay, Dalkooda ka galay, Fankooda ka galay, Dad-nimadooda ka galay.Waxaan Shacabka iyo Intii Magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa gafkaasi.” ayuu  Cukuse ku dooday.

Kooxda Fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska oo Wasaaradda Warfaafinta, siiba TV-ga Qaranka ka tirsan, ayaa barnaamijka ciida si qarsoodi ah ugu duubay Hargeysa, kaasi oo ay siiyeen Telefishanka Qaranka Soomaaliya iyo Universal TV oo Somaliland ka mamnuuc ah, uuna leeyahay nin Banaadiri ah.

Xidigaha Geeska ayaa sheegay inay ku kaliftay falkaasi sidii ay dadka fankooda xiiseeya ee Soomaaliya iyo meelo kale oo dunida ah jooga u gaadhsiin lahaayeen barnaamijka Ciida.

Wasiir Cukuse ayaa Kooxda Xidigaha ka joojiyay Barnaamijkii Ciida ee ay TV-ga Somaliland ugu tala galeen.

Agaasimahii Somaliland ee Universal TV Maxamed Caabi ayaa maalintii 5-aad u xiran duubida Barnaamijkan Ciida ee Fanaaniintu duubtay, ka dib markii lagu eedeeyay fududaynta Barnaamijkan oo Xafiiska Universal duubay.

Maamulka Somaliland ayaa u xiray qaar ka mid ah fanaaniinta Xidigaha, kuwaasoo booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.