Somaliland oo iska fogeysay iney faragelin siyaasadeed ku heyso Garsoorka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo iska fogeysay iney faragelin siyaasadeed ku heyso Garsoorka

Muqdisho – Mareeg.com: Maamulka Somaliland ayaa iska fogeeyey inuu faragelin ku hayo arrimaha garsoorka, iyadoo dhanka kale uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaaseed ee ka taagaan maamulkaas.

Warsaxaafadeed kazoo baaxay maamulka Somaliland ayaa u qornaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Majirto wax fara-gelin ah oo ay xukuumaddaydu ku hayso nidaamka garsoorka iyo caddaalada.

Waxaan xukuumad ahaan aanu u taaganahay in garsoorkeenu noqdo mid u hiiliya xaqa isla markaasina dhawra xuquuqda Aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo.

Waxaa qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso.

Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.

Ugu danbayn garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!