Somaliland oo diiday lacag loo soo mariyey dowladda Federaalka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo diiday lacag loo soo mariyey dowladda Federaalka Soomaaliya

Hargeysa – Mareeg.com: Maamulka Somaliland ayaa ku gacanseyray dhaqaale loo soo mariyey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa qaadacay mashruuc Baanka Horumarinta Afrika ku caawinayey wasaaraddiisa kaasoo lacagtiisa Baanku soo mariyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxafaadeedka wasiir Sacad shalay kazoo saaray Hargeysay ayuu si toos ah ugu diiday qaadashada Lacagtaas, isagoo sheegay in Somaliland qaadan karto oo kali ah haddii Baanka Horumarinta Afrika si toos ah wax u siiyo Somaliland.

War Saxaafadeedka Sacad Cali Shire ayaa u qornaa sidan:

Cadayn: Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa

Annaka oo tixraacayna qodobka kowaad xayeysiis lasoo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “Waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.

Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahan yahayna kawada hawl-geleyno.

Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo” ayuu Sacad kusoo gebagebeeyey hadalkiisa.

Maamulka Somaliland oo aan heysan aqoonsi caalami ah oo madaxbanaani ayaa ka hor yimid dhorwr jeer iney kaalamada aduunka ka imaaneysa qeybtooda ka qaataan iyagoo doonaya in si gaar ah loo siiyo wixii looghu deeqayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!