Somaliland oo dhoolatus milateri ku xustay 18-ka May (Sawirro)

Read Time:42 Second

Hargeysa – Mareeg.com: Maamulka gooni ugoosadka ee Somaliland ayaa maanta u xusay 18-ka May, xilligaasoo ku began sanad guuradii 23-aad ee kazoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen iney ka go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maamulka Somaliland oo aan weli aqoonis ka helin hal dal oo ka mid ah dunida, islamarkaana dadkiisu ku kala aragti duwan yihiin goobi isu-taagga ayaa manta 18-ka May ku xusay dhoolatus milateri.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka qeybgalay xuskaan, wuxuuna salaam ka qaatay ciidamada, urarada bulshada, ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo iskuulada iyo shaqaalaha kala duwan ee haayadaha dawlada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in ay Somaliland ka go’an tahay in ay ilaashadaan qadiyada gooni isutaaga Somaliland, shacbiga uu madaxda u yahayna aanay marnaba dib ugu biiri doonin Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.