Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Soomaaliya

Muqdisho ( Mareeg News ) Somaliland ayaa sheegtay in dacwad ay u gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO.


Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa sheegay in dacwadaasi ay kaga codsadeen in laga noqdo heshiiska Hawada loogu wareejinayo Soomaaliya bartamaha sanadkaan.

Waxaa uu xusay in Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Nairobi u joogo baaqaasi ay udireen Qaramada Midoobay ee ay cabashada ku gudbiyeen.


Somaliland waxaa ay sheegtay in ay Hawadeeda laga maamuli karin Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa maamulka hawada waxaana furey madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Somaliland waxay sheegtay in heshiisyo ay kala saxeexdeen xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dowladu Farmaajo ka baxday.


Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!