Somaliland oo caqabad ku noqotay wadahadalka ay Turkiga kula laheyd dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo caqabad ku noqotay wadahadalka ay Turkiga kula laheyd dowladda Soomaaliya

Mareeg.com: Wadahadalladii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo la filayey iney shalay ka furmaan magaalada Isnabul ee dalka Turkiga ayaa caqabad ka hortimid, kadib markii wafdiga Somaliland diiday inuu shirka yimaado.

Somaliland ayaa sababta diidmada ku sheegtay inaysan horfahdiisaneyn xubno ka socdo dowladda feredaalka oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolada Waqooyiga ama deegaanada la isku yiraahdo Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa dalbaday in shirka laga saaro 4 xubnood oo ka tirsan wafdiga dowladda federaalka oo kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, ayey wafdiga Somaliland dalbadeen in laga saaro kullanka.

Warqad ka socotay xubnaha Somaliland ayaa loo gudbiyay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo safiirkii ka horeeyay oo kor kala socda shirka, waxaana ku qoran warqaddaasi shuruudda ay doonayaan in loo fuliyo ka hor intaan la kulmin.

Xubnaha dowladda Soomaaliya u dirtay wadaxaajooka oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/raxmaan Odawaa ayaa xalay yeeshay shir waqri dheer qaatay, iyagoo wadatashina ula laabtay dowladda Soomaaliya, laakiin weli lama oga go’aanka ay dowladdu qaadan doonto.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaas, laakiin warsaxaafadeed ay shalay dowoladdu ay soo saartay ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka go’an tahay inay Somaliland markan kala hadasho arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya”.

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo ah gudoomiyaha wafdiga maamulkaas, ayaa horay u sheegay ineysan shirka ka qeybgelin doonin hadii xubno kasoo jeeda Somaliland oo ka mid noqdaan wafdiga dowladda Federaalka ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!