Somaliland oo basaasnimo u xirtay muwaadin reer Jabuuti ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somaliland oo basaasnimo u xirtay muwaadin reer Jabuuti ah

Mareeg.com: Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay nin ay sheegeen inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka Jandal Maariga Jabuuti oo lagu magacaabo Muuse Cabdiraxmaan Cali (Muuse Guray).

Mas’uulkaan oo ka shaqeynayey Banki caalami ah oo ku yaalla Hargeysa ayaa la sheegay in habeen hore lagala baxay guriga uu degan yahay oo Xaafadda Xawaadle ee Hargeysa ku yaala.

Wargeyska Waaheen ee Somaliland ayaa sheegay in sarkaalkan loo haysto inuu dawladda Jabuuti u gudbiyay siro xaasaasiya oo Somaliland leedahay, hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga sarkaalkan iyo sababaha rasmiga ah ee loo xidhay.

Sarkaalkan Muuse Guray ayaa Somaliland ku eedeysay inuu si sharci ah sanadadii u dambeeyay uga shaqaynayay Somaliland, gaar ahaana Bangiga Caalamiga ah ee Jabuuti ee BCIMR oo Hargeysa ku yaala.

Baankan oo maamulka Somaliland ruqsad u siisay inuu Laan ka furto Hargeysa, waxaa ka hawl gala Shaqaale kale oo reer Jabuuti ah, waxaanu ku yaalaa meel ku dhow madaxtooyada Somaliland.

Bangigan ayaa ganacsatada iyo siyaasiyiinta Somaliland u fududeeya xiriirka dunida, islamarkaana xisaabo caalami ah u fura.

Dhawaanahan waxa sii xumaanayey kalsoonida dhinaca amniga ee Somaliland iyo Jabuuti ka dib markii Xukumadda Jabuuti xirtay xadkeeda ka dib qaraxii bishii May Jabuuti ka dhacay oo la sheegay in dadka fuliyay Somaliland ugu gudbeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!