
Read Time:23 Second
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa waxay 9 sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin dhawaan ku kufsaday magaalada Hargeysa gabadh yar 6 jir ah.
Ninkan oo la sheegay inuu mu’addin masaajid ahaa ayaa dhawaan la soo qabtay laguna eedeeyey inuu kufsaday gabadh yar oo 6 jir ah oo ay masaajidka jaar ahaayeen.
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa bartiisa Facebook-ga ku xaqiiijiyey xukunka lagu riday ninkan kufsiga gaystay oo dhan 9 sano oo xabsi ah.
Xigasho Barigaafricanews