Somalida ku dhintay Shilkii ka dhacay Magaalada Barakeysan ee Makka ee Dalka Sacuudiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somalida ku dhintay Shilkii ka dhacay Magaalada Barakeysan ee Makka ee Dalka Sacuudiga

Mina (Mareeg)—Ugu yaraan labo Ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan 717 Xujey maanta ku dhimatay Shil ka dhacay Magaalada barakeysan ee Makka ee Dalka Sacuudiga.

 

Labadan Ruux ee ka soo jeeday Dalka Soomaaliya kuna dhintay musiibadii ka dhacay Xaafada Mina ee Magaalada Makka ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hindi Maxamuud Aw-Cali iyo Asli Xuseen Cali.

 

Xujeyda Soomaaliyeed qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hindi Maxamuud Aw-Cali ay heystay Baasboor Kanadiyaan ah halka Asli Xuseen Cali lagu sheegay in ay ka tagtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Labadan Haween ayaa ka mid ahaa 717 Ruux oo oo ku dhimatay Mina oo qiyaastii 5km u jirta Magaalada barakaysan ee Makka kadib markii Xujeyda ay buurteen ama is jiireen.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in Muwaadiniin kale oo Soomaali ah ay ku jiraan Xujeydii halkaasi ku dhintay maadaama weli uu socdo baaritaano lagu wado halka ay ka soo kala jeedaan Dadkii ku dhintay Magaalada Maka ee Dalka Sacuudiga.

 

Hada kala soco waxii ku soo kordha Wararkeena danbe

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.