Soomaaliya iyo shiinaha oo
Mareeg Media
Somalia

Somalia oo Shir uga qeyb galeysa Shiinaha

Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!